Thursday, January 27, 2022

XOG: Fahad Yaasiin Howlgab ka dhigay Wasiirkii Amniga, dibna ula wareegay Hay’adda Sirdoonka

La-taliyaha Farmaajo ee Amniga Qaranka Fahad Yaasii Xaaji Daahir ayaa qaaday tallaabo uu howlgab uga dhigay wasiirka Amniga, isla markaana shaqadiisii ku wareejiyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda.

Qoraalka Fahad Yaasiin soo saaray 2-dii Bishan Disembar 2021 ee uu howlihii Amniga Qaranka ku hoos geeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Cabdisiciid Muuse Cali ayaa dinac kale cambaarsaneyd in arrimaha Amniga oo uu u xilsaarnaa Wasiirka Amniga uu si toos ah u maamulayo Wasiirka Arrimaha dibadda, halkaasoo howlgal looga dhigay wasiirkii cusbaa C/llaahi Maxamed Nuur oo ku yimid heshiis dhex maray Farmaajo iyo Rooble.

CabdiSaciid Muuse ayaa hore u ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo, waxaana mar kale isagoo Wasiirka Arrimaha dibadda ku magacaaban la hoos geeyay Arrimah Amniga iyo xilkiisii hore, taasoo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan, waxa uu damacsan yahay inuu qabto Fahad Yaasiin oo shaqadiisii ugu danbeysay iska wareejiyay.

Ad

Xogta la helay ayaa sheegeysa in tallaabada Fahad qaaday ay ahayd mid la afle ah oo marka hore awoodaha looga xayuubiyey wasiirka Amniga ee uu keensaday Ra’iisal wasaare Rooble, iyo marka labaad inuu shaqadiisii ku wareejiyay wasiirka Arrimaha dibadda, si uu ugu madax bannaanaado maamulka Hay’adda NISA iyo ololaha Doorashada Farmaajo.

Hay’adda NISA ayuu muddo dheer si toos ah iyo si dadban u maamulayay Fahad Yaasiin oo aan yeelan ku-xigeeno, iyadoo Farmaajo uu ka gaabsaday inuu soo magacaabo agaasime cusub sida uu qorayay heshiiskii ay wada gaareen isaga iyo Rooble.

Rooble iyo wasiirkiisa Amniga ayaa la sheegay inay muddooyinkii danbe ku mashquulsanayeen sidii ay dhaqaale raadin lahaayeen, halka dhinaca kale uu dadaal ugu jiray inuu la wareego shaqooyinkooda.

- Advertisement -

Arrimhan oo dhan waxay dhacayaan iyadoo dalku ku jiro xaalad kala guur ah oo shaqada dowladda oo dhan u taalla ay ahayd inay qabato doorasho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,878FansLike
2,536FollowersFollow
5,942FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,878FansLike
2,536FollowersFollow
5,942FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!