Sunday, July 13, 2025

Ciidamada DANAB oo la wareegay Degaan saldhig u ahaa Alshabaab ee Duleedka Degmada Balcad

Ciidamada kumaandooska ee Danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa la wareegay degaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe  oo ah tuulooyin ay ka taliyaan Alshabaab.

Degaanada ay Ciidamada Danab ay la wareegeen waxaa ka mida, Barwaaqo, Garasweyn iyo Walamooy, waxaan la sheegay inaan wax dagaal ahi ka dhicin oo ay ka baxeen ciidamadii Alshabaab ee halkaasi ku sugnaa xalay markii ay ka war haleen ciidamada ku soo fool leh.

Guddoomiye kuxigeenka degmada Balcad ayaa sheegay  in Tuulooyinka ay la wareegeen ciidamada ay ku burburiyeen Saldhigyo halkaasi ay ku lahaayeen Maleeshiyada Alshabaab oo halkaasi kasoo abaabuli jiray weerarrada jidka isku xira Muqdisho iyo Balcad.

Ujeedka Ciidamada Danab ayaa la sheegay inuu ahaa inay qabsadaan degaanka Daniga, halkaas oo Alshabaab xarun u ahayd, kana maamulki jireen degaanada la xiriira degmada Balcad, waxaana la sheegay inay ciidamada Danab kusii jeedaan tuulada Basra oo ah saldhiga ugu weyn ee Alshabaab.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa taageero ka helaya ciidamada Mareykanak oo diyaaradahooda maanta oo dhan ay dul heehaabayeen degaankaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON