Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Gobolka Hiiraan ayaa hor istaagay oo kala eryay bannaanbax maatna ka dhacayey Magaalada Beledweyne, kaasoo looga horjeeday dhismaha Maamulka Hirshabeelle.
Dad lasoo abaabulay ayaa bilaabay isu soo bax, iyadoo ay so dhex galeen ciidamada ayna kla eryeen, waxaana muddo kooban la xiray saxafyiintii tebineysay bannaanbaxa, waxaan halkaas ku joogsaday bannaanbaxaasi.
Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Beledweyne L/Xiddigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel ayaa sheegay inaan Magaalada Baladweyne lagu qaban karin Banaabax aan laamaha Amaanka ka war qabin, fasaxna loo heysan.
Wuxuu sheegay taliyaha inay tallaabo ka qaadi doonan dadka abaabulaya qaska ee bannaanbaxyada ka wada magaalada iyadoo aan laga war qabin.
Bannaanbaxa magaalada Beledweyne ayaa salk ku haya diidmada beel degta Gobolka Hiiraan ay uga hor timid qaabka loo dhisayo maamulka labaad ee Hirshabelle oo qabanqaabadiisu ka socota magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle.
