Friday, June 27, 2025

Ciidamada Dowlada oo sheegtay inay dileen Horgooye abaabulay Qarixii Soobe & Nin Ajnabi ah

Ciidammada Xoogga ee ka howlgalla degaanada Hirshabelle ayaa guulo ka sheegtay howlgallo ka dhacay degaano ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Abaanduulaha Qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga Dalka oo  ka howlgala labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe Jen. Saalax Muumin Muuse ayaa sheegay in howlgalada ay Ciidammada ku dileen horjooge ka qeyb qaatay Qaraxii Soobe iyo mid kale oo dhalashadiisu tahay dalka Pakistan oo ka mid ah kooxda Miinooyinka  dhigta.

“Khasaaro badan ayaa soo gaaray Argagaxisada, waxaana la dilay Ninkii Miinooyinka sameyn jiray oo Qaraxyada, waliba ragii ugu cuslaa oo Qaraxii Soobe ka qeyb qaatay, Nin kale oo Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Pakistan ayaan dilnay oo isna Qoloda Miinada dhigta ah iyo Macalin habka Miinada loo dhigo ku tababara Argagaxisada iyo rag badan oo Qoladii Miinda dhigeysay ah”.

Wuxuu intaas ku daray Abaanduulaha Qeybta 27-aad in deegaano badan ay la wareegeen sida Nuur Qarac, Garasaani, Deegaano u dhaxeeya Buulo Barde iyo Beledweyne, Halka Howlgalada Labaad oo ka dhacay inta u dhaxeysa Buulo Barde iyo Fiidow ay ciidammada Xoogga kula wareegeen Buurweyn, Beynaad, Show, Gibileey, Ceelcaad, Xarar lugoole iyo deegaano kale.

Lama sheegin faahfaahin ku saabsan ninka la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab ee ku lug lahaa qaraxii Soobe iyo ninka kale ee u dhashay Pakistan, mana jirto  cid xaqiijisay warkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON