Tuesday, August 5, 2025

Ciidamada dowladda ee Muqdisho oo ka hortegay bannaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Xaaf

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ka hortageen bannaanbax ay dhigayeen dad taageersan Madaxweynaha muranka ka taagan yahay xilkiisa ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Bannaanabax oo dad kooban ay ka bilaabeen degmada Hodon, agagaarka Isgoyska Trebunka ayaa waxaa kala eryay ciidamada dowladda iyadoo markaas kadib ay xaafadaha dhexdooda ka dhigeen bannaanbaxaasi.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa cambaareeyay in  ciidamada dowladda ay dadka bannaanbax nabadeed dhigayay ka hortagaan intii ay u gurman lahaayeen ciidamada dowladda ee lagu weeraray degaanka Bariire.

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda sare ee Galmudug ayaa saameyn ku yeelatay degaano badan iyadoo qaab qabiil loo abaabulayo arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON