Sunday, August 3, 2025

Ciidamada Dowladda iyo Galmudug oo Alshabaab ka qabsaday Dhufeyskii ugu weynaa ee degaanka Qaycad

Ciidamada huwanta ee dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo maleeshiyada beelaha degaanka ayaa la wareegay dhufeyskii weynaa ee ay Alshabaab ka difaacayeen degaanka Qaycad iyo tuullooyinka ku dhow.

Weerar maanta dhacay ay ciidamada huwanta ku gaareen Difaacyadii Alshabaab ee degaanka Qaycad oo ahaa goobtii ugu adkeyd ee ay difaaca uga jireen Alshabaab, isla markaana ay dhowr jeer duqeeyeen diyaaradaha is waa ee drone-ka Mareykanka.

Goobta laga saaray Alshabaab waxaa tegay Taliyaha ciidanka Dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Wasiiradda Amniga iyo Dhalinyarada Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in la dalacsiiyey ciidamada iyo saraakiisha dagaalka ka qeyb galay.

Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga ayaa sheegay Alshabaab laga qabsaday degaanka Qaycad, lana soo afjareyn dagaalka ilaa laga Alshabaab ay joogaan dalka, haddana aanu jirin Aag dagaal oo ka sokeeya Xara-dheere.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON