Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo dabley hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed ay maanta ku dagaalameen degmada Hodan ee gobalka Banaadir.
Dagaalka laba dhinac ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran ku saabsan dhismaha Xaruntii hore ee Shirkadda Coca Cola ee ku leedahay Xaafadda Taleex, gaar ahaan Nawaaxiga Carwadii hore ee Qaranka oo ka tirsan degmada Hodan.
Maleeshiyo beeleed ayaa ku soo ururay goobtaasi, iyagoo ujeedkoodu yahay inay halkaasi ay ka dhigtaan meel lagu iibiyo Qaadka, laakiin waxaa halkaasi tegay Ciidamada ammaanka dowladda taasoo sababtay inay labada dhinac dagaalamaa.
Rasaas ay labada dhinac is weydaarsadeen ayaa dhalisay qasaare kala duwan, waxaana inkastoo ay rasaasta hakatay goobtaasi ka taagan xiisad colaadeed oo ay isku hayaan maleeshiyo beeleed iyo ciidamada dowladda.