Friday, July 11, 2025

Ciidamada Dowladda iyo Rag hubeysan oo ku dagaalamay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho

Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa iska hor imaad xalay dhex maray dabley hubeysan iyo ciidamada dowladda oo ka dhacay xaafadda Gubta ee degmada Deyniile, Gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay dadka degaanka ay u yeerteen ciidamada Booliiska markii koox burcadah ay xaafadaasi ka bilowday dhac ay kula kaceyso dadwynaha, kadibna waxaa goobta tegay ciidamada oo dagaal dhex maray kooxda burcadda ah.

Dagaalka labada dhinac ayaa dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo la sheegaya in lagu dilay qof, ayna ku dhaawacmeen laba kale, laakiin ma jirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

Xaafadaha degmada Deyniile ayaa la sheegay in dhowaanahan ay ku soo bateen burcad Dadka dhac u geysaneysa, waxaana degmada ku badan maleeshiyo hubeysan iyo ciidamo qaab beeleed u abaabulan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON