Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay xarunta degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe kadib markii ay muddo saacado ah geystaan maleehiyada Alshabaab oo barqadii maanta weerar kedis ah kula wareegtay.
Alshabaab oo jiho kasoo galay degmada ayaa cagta mariyey xarumo badan iyagoo gubay hanti dowladeed iyo mid shacab, waxayna wararku sheegayaan inay gubeen saldhigii degmada iyo xaruntii isla markaana ay sii daayeen maxaabiis ku jirtay saldhigga.
Alshabaab ayaa qaatay FM gaar loo leeyahay oo magaalada ka jirtay iyagoo burburiyey xarintii Idaacaddaasi, waxayna sidoo kale gubeen gaadiid iyo xarumo dad shacab ah lahaayeen. Dadka ku dhintay dagaalka ayaa wararku sheegayaan inay gaarayaan ilaa 10 qof.
Weerarka Alshabaab ku qabsadeen degmada Balcad ayaa waxaa ka horeeyay weerar jidgal ah oo Alshabaab la beegsadeen kolonyo AMISOM ka tirsan oo galbineysay Gaadiid sahay u siday ciidamadooda, waxaana la sheegay in qasaare badan loo geystay ciidamadii, lana gubay sahaydii.
Maamulka Hirshabeelle, dowaldda Soomaaliya iyo AMISOM ayaan wax war ah kasoo saarin labada weerar, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee Alshabaab qabsato Balcad intii laga saaray.