Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay degmada Beledxaawo ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay xalay xilli danbe go’doomiyeen ciidamada taageersan Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo ku sugan xero u dhow xuduudka kenya Iyo Soomaaliya ee duleedka magaalada Beledxaawo.
Xaaladda ayaa la sheegay inay kacsan tahay iyadoo ciidamada dowladda ay dhinac kasta ka degaan xeradaasi, waxaana laga cabsi qabaa inuu isku dhac dhex maro labada ciidan, iyadoo ciidamada dowladda ay xoojiyeen abaabulka ku wajahan xerada loo yaqaan BB1 ee duleedka Beledxaawo.
War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu dagaal ka qarxay magaalada Beledxaawo, kaasoo u dhaxeeya labada ciidan, kadib dhaqdhaqaaq ay ilaa xalay wadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa magaalada, iyadoo labada dhinac ay is weydaarsanayaan hubka culus iyo kan fudud…
AKHRISO WARARKA XAALADDA BELEDXAAWO
- Wararkii ugu danbeeyay Dagaal Beled-xaawo ku dhex maraya Ciidamada dowladda & kuwa C/rashiid Janan..