Monday, June 30, 2025

Ciidamada Dowladda oo degaano cusub ka qabsaday Alshabaab iyo RW Xamsa oo farriin diray…

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya maleeshiyada degaanka ayaa howlgalladii ugu dambeeyay Alshabaab uga qabsadya degaano ka mida gobollada Hiiraan, Galguduud iyo Bay.

Taliska ciidmada xoogga dlaka aya sheegay in deggannada cusub ee Al-shabaab lagala wareegay ay kala yihiin: Moqokori iyo Tardo, Moora-Eri, Gumarre iyo Qooxle oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halka gobolka Galguduudna laga qabsaday deegaannada Maygaag-dhuub, Dhisaqo, Dhuumoodle, iyo Cali-weyd iyo Dacawa-xun.

Gobolka Bay ayey ciidamadu Alshabaab ka qabsadeen degaano hoos taga degmada Baydbaba. Howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ayaa markan gaarya Gobolka Bay ee maamulka K/Galbeed.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa farriin bogaadin iyo hambalyo u diray ciidammada Qalabka sida iyo Xoogaga uu ku tilmaamay ‘Gurmad Qaran’ oo garab hagar la’aaneed ka helaaya Shacabkeenna Soomaaliyeed ee ka daalay dhibka iyo arxan-darrada Khawaarijta Alshabaab.

“Waxaan maanta goordhaweyd khadka telefoonka kula hadlay halyeeyada jiidda hore ee dagaalka kujira si aan hambalyo iyo bogaadin ugu diro. Waxay ciidammadu maanta la wareegeen deegaannada kala ah;

1. Moqokori oo katirsan Gobolka Hiiraan

2. Ceel-lahelay

3. Labi-dulle

4. Dhabana-heeys iyo

5. degaano kale oo ka tirsan Gobolka Gal-guduud iyo Gobolka Baay kuwaasi oo saaka ay ka saareen maleeshiyaadka nabadiidka ah Al-shabaab ” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON