Ciidanka Xooggga dalka Qeybta 27-aad, ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan.
Degaanada howgalka uu hadda ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Deegaanka Aboorey, Beero-yabal, Wariirey, Galboocale iyo Yasooman, kuwaa oo dhammaantood hoostaga degmada Buulo barde ee gobalka Hiiraan.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalada sida guud Ciidanka Xoogga uga waddaan Hirshabeelle, kaas oo maleeshiyada Al-shabaab looga sifeynayo goobaha ay gobalka kaga dhuumaaleysanayaan.
Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Tareedisho oo Hor kacaya howlgalka ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay howlgalki ay Ciidamada fuliyeen.
