Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgallo ay ku qaadeen Gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan degaanada u dhaxeeya Jowhar iyo Raage Ceele.
War kasoo baxay taliska ciidamada xoogga dalka ayaa lagu shegeya in degaanka Gal-labashiir, ee Gobolka Shabeelaha dhexe ay Alshabaab uga dileen 15-maleeshiyo oo ay kujiraan horjoogayaal, lagana dhaawacay ilaa 20 maleeshiyo oo kale.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay iska caabiyeen dagaalka ay ku soo qaadeen ciidamada dowladda, ayna ka dileen shan askari, halka ay ka dhaawaceen 13 kale, dagaallo culus oo ka dhacay degaanada u dhaxeeya Jowhar iyo Raage Ceelle.
Goobaha lagu dagaalamay shalay ayaa kal ahaa: War-ciise iyo Gal-labashiir, waxaana weerarka qaaday ciiidamadad owladda iyadoo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa yuusuf Raage.
Taliye Odowaa ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgalalda Al-Shabaab looga saarayo degaannada hoostaga degmada Raaga-ceelle iyo Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
