Waxaa maant ku eg mudaddii loo qabtay in lagu soo gudbiyo Liiska Xubnaha ka mida Guddiyada Doorashada ee laga saarayo Guddiyadaasi, kadib hesiiskii labaad ee Doorashada oo 27-ka bishan lagu saxiixay magaalada Muqdisho.
Guddiyadii Khilaafka dhaliyey ee Doorashada oo ay magacaabidooda ka danbeeyeen madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa lagu heshiiyey in xubnaha dooda laga qabo ee ka tirsan Hay’adaha dowladda iyo ciidamada laga saaro.
Heshiiska Doorashada ee 27-ka May 2021 Qodobkiisa – Guddiyada Doorashada- ayaa u qornaa sidatan:
Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka
Goluhu wuxuu go’aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah.
Heshiiska laguma sheegin cidda loo gudbineysa xubnaha Guddiyada Doorashada ee cabashada laga qabo, laakiin xogta la helay ayaa sheegeysa in Midowga Musharixiinta ay arrintan iska xil saareen, ayna shirkoodii shalay uga doodeen arrintan, iyagoo liiska xubnahan lagu wado inay maanta u gudbiyaan Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Xubnaha sida weyn farta loogu fiiqayo waxaa ugu horeeya agaasime ku xigeenka Madaxtooyada C/nuur Maxamed Axmed oo aha gacan-yaraha Farmaajo iyo xubno ka tirsan NISA, waxayna arrintan ka dhigan tahay qodobka ugu horeeya fulinta hesiiska oo lagu ogaan doono sida waqtiga loo qabtay loogu fuliyo.
Sida ku cad heshiiska Guddiyada laa saarayo xubnaga muranka dhaliyey wa Guddiyada heer Federaal ee Doorashada iyo xalinta khilaafaadka, waxaana muuqata in Guddiyada heer maamul Goboleed aanay ku jirin.
