Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo kale oo taageeraya ayaa dib uga baxay degaanadii ay maanta ka qabsadeen Gobolka Sh/hoose oo ay ku sugnaayeen Alshabaab.
Ciidamadan oo isugu jiray Xoogga dalka, siiba Danab, AMISOM iyo ciidamo Mareykan ah ayaa saaka la wareegay degaanada Mubaarak, Sabiid, Mareeray iyo weliba Awdheegle, iyadoo goobaha qaar dagaallo ka dhacen, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamadii dowladda iyo kuwii la socday ay dib uga laabteen degaanadaasi oo intooda badan ay la wareegeen Alshabaab, waxaana dhinaca kale Alshabaab weerar ku qaadeen gelinkii danbe ee maanta degmada Afgooye oo la sheegay inay ciidamo ku sugnaa ka furteen gaadiidka dagaalka.
Ciidamada dowladda iyo xulafadooda ayaa mar waliba dib uga laabta degaanada ay Alshabaab ka qabsadaan, iyadoo aan la ogeyn ujeedada weerarrada noocaasi ah oo amarkooda uu ay bixiso Madaxtooyada Soomaaliya.