Monday, July 14, 2025

Ciidamada Dowladda oo la wareegay degaano ka tirsan SH/Dhexe (Jidka Balcad & Jowhar oo…)

Ciidamada Milateriga dowlada Soomaaliya ee howlgalka ka bilaabay Gobolka Sh/Dhexe ayaa degaano hor leh oo hoos taga degmada Balcad kala wareegay Alshabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada uu hoggaaminayo Xildhibaan Cismaan Xaadoole la wareegeen degaanada Bariga degmada Balcad ee kala ah: Jamceeco Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaareey, Jameeco Mubaarak, Doonka Maxaa Colow iyo Mansaale

Xildhibaan Cismaaciil Xaadoole ayaa laga soo xigtay inay gacanta ku dhigeen 30 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan dagaalka Alshabaab looga xoreynayo Gobolka Sh/Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in rajo laga qabo inuu isu furmo jidka u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo Alshabaab ay qaraxyo iyo weerarro jidgal ah ku qaadi jireen, una xirmay qaraxyada iyo weerarrada Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON