Tuesday, July 8, 2025

Ciidamada dowladda oo la wareegay Saldhigii ciidamada C/rashiid Janan & Ciidamada Kenya oo duqeeyay B/Xaawo..

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay saldhigii ciidamada taabcsan C/rashadiid Janan ee duleedka magaalada Beledxaawo, iyadoo dagaalkiina lasoo afjaray markii ciidamada taabacsanaa Jubbaland ay xuduudka Kenya u gudbeen.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Beledxaawo ayaa sheegaya in ciidamada C/rashiid Janan laga gubay laba gaari oo kuwa dagaalka ah, halka laga qabsaday mid kale, waxayna markii danbe dib ugu gurteen qeybta danbe ee xarada BP1, intii aan laga saarin halkaasi.

Ciidamada Kenya ayaa bilaabay inay hub waaweyn ku duqeeyaan magaalada Beledxawo, kadib markii ay ciidamadii C/rashiid Janan dib ug gurteen xuduudka Kenya, waxaana magaalada laga maqlay dhawaaqa madaafiic kasoo dhaceysa dhinaca Mandheera Kenya.

Rasaas aya ku dhacday magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera, ugu yaraan Guri ayaa ku gubtay Beledxaawo kadib madaafiic u badan hoobiyeyal oo ku dhacay, halka rasaas habow ah lasoo weriyey inay qof ku dishay gudaha magaalada Mandhera.

Dhinaca kale ciidamada Danab oo ku sugnaa degmada Doolow ayaa la sheegay inay gaareen magaalada Beledxaawo si ay u xoojiyaan ciidamada dowladda ee dagaalka ku jira, waxayna ciidamadan wataan gawaari ku dhow 10 baabuur oo kuwa dagaalka ah.

HALKAN KA AKHRISO WARARKII UGU DANBEEYAY

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON