Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada dowladda oo muddo toddobaad ah ku dagaalamaya xaafad ka tirsan Muqdisho

Ciidamo ka tirsan milateriga dowladda Soomaaliya oo qaab beeleed u abaabulan ayaa dagaal kale xalay ku dhex maray xaafadda jamhuuriya, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo muddo toddobaad ah si goosgoos ah u dhex marayya ciidamadan ayaa mar kale xalay isku fara-saaray degaanka Buulo-maaxaay ee xaafadda Jamhuuriya oo ay isku hor fadhiyaan, isagoos sababay barakac iyo qasaare dhaawacyo soo gaaray dhowr qof.

Ciidamadan ayaa marar badan dagaal ku dhex maray xaafadaasi iyagoo murankooda salka ku hayo dhul ay isku qabsadeen, waxaana dowladda federalka iyo maamulka G/banaadir ay ku guuldarreysteen in ilaa iminka ay wax tallabo ah ka qaadaan.

Isku dhacyada ciidamada dowladda ayaa sii kordhaya Muqdisho xilli dhulalka la isku heysto ay noqdeen dhibaatooyinka ugu weyn ee keena isku dhacyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON