Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaas heegaya in ciidamada dowladda ay qof ku dileen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Dadka degaanka ayaa sheegay in qofka la dilay uu ahaa shacab, waxaana ciidamada lagu eedeeyay ina dileen oday waayeel ah oo u socday salaadii subaxa ee saaka, markii ay ciidamo dowladda ee xarunta degamada ku sugnaa ay toogteen.
Dadweynaha degaankaasi oo ka carooday falka ay ku kaceen ciidamada dowladda ayaa isugu soo baxay goobta uu dilka ka dhacay, waxayna bannaanbax cabasho ah ka dhigeen xarunta degmada.
Dadweynaha oo is tubay xarunta degmada Kaaraan ayaa dalbaday in sharciga la hor geeyo askarigii dilay odayga shacabka ah.