Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Dowladda oo qabtay Nin xiran indho-shareer & xijaab oo Alshabaab ka tirsanaa [Dhageyso]

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Muqdisho lagu qabtay nin soo xirtay dharka haweenka oo falal ammaan darro ah ka waday magaalada.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa u mahad celiyay ciidamada ammaanka, isagoo dheegay in waxqabadka ciidamada uu yahay mid muuqda wixii ka danbeeyay qaraxii 14-ka Oktoobar, iyadoo uu shaaciyay inay dowladda isu soo dhiibeen 54 alshabaab ka tirsan, isla markaana howlgallo lagu qabtay 63 kale.

Arrintan ayuu wasiirka amniga ka sheegay xaflad loo sameeyay bandhigga waxqabadka xukuumadda Ra’iisul Wasaare  Xasan Cali Kheyre oo 8 Bilood jirsatay xalay loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Bandhigga waxqabadka xukuumadda Kheyre ayaa noqday mid bil waliba xaflad weyn loo qabto iyadoo aan laga hadlin waxyaabaha qabsoomi waayay, basle diiradda lagu saaro waxqabadka dowladda, taasoo dadka qaarkii ku tilmaameen in dowladda Madaxweyne Farmaajo ay weli ku jirto olole doorasho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON