Sunday, July 6, 2025

Ciidamada dowladda oo weerarray Xarun Warbaahineed oo ka howlgasha Magaalada Muqdisho

Ciidamada dowladda ee taabacsan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka aroortii weerar kula jarmaaday xarun warbaahineed oo ka howlgasha caasimadda Muqdisho.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay maamulka Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ciidamada ayaa galay xaruntooda ku taalla agagaarka Isgoyska KM4, iyadoo halkaasi ka geystay falal burburin ah iyo la wareegid qalab ah.

“Xarunteena KM4 waxa galay ciidanka Dowladda, Waxa aan dalbaneynaa in ciidankaasi si Nabad ah uga baxaan dhismaha Mustaqbal Media. Waxa aan ka codsaneynaa Wasaaradda Warfaafinta in ay qaaddo tallaabo looga hortegayo in shaqaalaha iyo qalabka dhibaato loo geysto!” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay idaacadda.

Muddo kadib qoraal kale ayey Idaacaddu ku sheegtay in Ciidanka dowladda ee galay xaruntooda aya burburin ku bilaabeen Qalabka, ayna la baxayaan Kombuyuterrada Warqabadka, iyadoo galay Qeybta laliska. “Waxa aan codsaneynaa in aan dowladdu qaadin tallaabo xun oo lagu Waxyeeleynayo Warbaahinta madaxa bannaan”.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya ciidamada dowladda ee galay xarunta Idaacadda Mustaqbal ay Jirdil qaar ka mida shaqaalaha, ayna qaateen Qalabkii Warqabadka iyo Maamulka ee xaruntaasi.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca hay’adaha dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan dhacdadan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON