Monday, July 7, 2025

Ciidamada Dowladda oo Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ka hor istaagay inay u safarto Gobolka Gedo

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa maanta ka hor istaagay xildhibaannad Dalays Xasan Aadan oo ku sii jeeday Gobolka Gedo.

Xildhibaandadan oo katirsan Golaha Shacabka ayaa la sheegay inay maanta safar u ahayd Gobolka Gedo oo laga soo doorto, iyadoo ciidamada Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee (NISA) ay u diideen inay ka dhoofto Garoonka magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa sheegtay inay u socotay degmada Luuq, ayna u socotay sidii ay u ogaan lahayd xaaladda degaanada ay kasoo jeedo, balse ay ciidamada NISA ka hor istaageen, una sheegeen inuu amar kasoo baxay hay’adda sirdoonka Soomaaliya, waxayna cabashadeeda gaarsiiyey guddoonka Baarlamaanka.

Falkan lagula kacay Xildhibaannad Dalays Xasan ayaa isla maanta lagu daray ajendaha fadhiga Golaha Baarlamaanka ee goor dhoweyd ka furmay xarunta Golaha Shacabka, iyadoo isla maalinta berri ah Golaha Baarlamaanka looga yeeray inay hor yimaadaan Wasiirka Amniga iyo madaxda Hay’adaha hoos yimaada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON