Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay xireeen Sheek ku caan baxay afkaar kulul oo diini ah, haddana loo heysto taageredad Alshabaab.
Ciidamada ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Sheekh Mustaf Cali Caanood, iyagoo kasoo qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo uu khudbadaha ka jeedin jiray Masjid kui yaalla.
Wadaadkan ayaa Baraha Bulshada marar badan lagu faafiyey muuqaalladiisa, isagoo gaaleysiinaya dad badan oo ay ka mid yihiin dhalinyaradda ciyaaraha jecel ee taageera kooxaha ka dhisan Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Xarigiisa ayaa yimid, iyadoo la sheegay inuu si buuxda u tageeray Alshabaab oo dagaal kula jirta dowladda Federaalka Soomaaliya.
Akhriso: Dowladda Somaliya oo War kaso osartay xariga Sheekh ku edeeysan taagerada Alshabaab