Ciidamada Milateriga ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in howlgal ay ka fuliyeen Gobolka Sh/Hoose ay ku laayeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.
Warka oo ay faafisay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in ilaa 30 Maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay howlgal ay xalay ciidamada ka fuliyeen inta u dhaxeysa degaanada Ceel Saliini iyo Gedershe ee gobolka Shabeelaha Hoose oo dhowaan Alshabaab ay weerar ku qaadeen ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu qaaday xarun Maleeshiyaadka Al Shabaab ku sugnaayeen, oo lagu daba joogay maleeshiyadii weerarka ku leysay saldhigga Ceel Saniini.
Ma jirto cid xaqiijisay warka kasoo baxay ciidamada Milateriga, iyadoo aan la soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaya tirada maleeshiyada intaas la eg ee la dilay.