Thursday, April 25, 2024

Dowladda Kenya oo ka hadashay kulankii Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ee ka dhacay New York

Dowladda Kenya ayaa warkii ugu horeysay kasoo saartay kulankii xalay magaalada New York ku dhex maray madaxweynayaasha dalalka Somalia iyo Kenya oo uu dhexdhexaadiyey Madaxweynaha Masar Abdifatah Alsisi.

Qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ayey wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ku sheegtay in Kenya ay soo dhoweyneyso kulanka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, kaasoo ahaa kulan saddex geesood ah oo uu isugu keenay guddoomiyaha Midowga Afrika iyo madaxweynaha Masar Abdifatah Alsisi.

“Kenya waxay soo dhoweyneysaa kulankii uigu horeeyay oo ah tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaday. Kenya waxay mar waliba rumeysan tahay, siina wadi doontaa inay ku baaqo wadahadalka inuu yahy sida ugu haboon ee dhibaatooyinka Afrika xal loogu heli karo xal afrikaan ah..” ayay qoraalkeeda ku tiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma.

Ad

Dhinaca kale Saxaafadda Kenya ayaa qortay in madaxweynaha Abdifatah Alsisi Masar uu soo jeediyey in arrinta xuduudka labadan dal ee Badda lagu dhameeyo wadahadal ka baxsan Maxkamadda ICJ.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON