Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Xabsi u taxaabay Suldaan kasoo jeeda Somaliland

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay xabsiga dhigeen oday dhaqameed kasoo jeeda Somaliland.

Suldaan Xaamud Suldaan Aadan Mataan oo ka mida cuqaasha  Somaliland ee Muqdisho ku sugan ayaa xabsiga la dhigay maanta, kadib markii la sheegay inuu isku dayay inuu damiin kusoo daayo nin kasoo jeeda beesha suldaanka uu dhalay loo xiray dacwad ku saabsan hanti la isku heysto, kadibna isagii la xiray.

Suldaanka ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay Xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, waxaana arrintan ka hadashay Senotar Nuura Faarax Jaamac oo sheegtay inay dadaal ugu jiraan sii deyntiisa, laakiin telefoonkiisa la damiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON