Ciidamada Amniga gaarka ah ayaa xalay xalay howlgal baaritaano ah ka sameeyay xaafado ka mida degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, kadib weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay lagu qaadaya xarunta degmada Wardhiigley.
Ciidamada gaerka ah ee NISA oo loo yaqaan Gaashaan ayaa xalay galay guryaha ku dhow isgoysyada Boondhere iyo Maanaboolyo, iyagoo ku soo qabqabtay dhalinyaro fara badan oo xaafadahaasi ku noolaa, kuwaasoo baaritaan loo kaxeysatay, waxayna wararka sheegeen in xaafadahaasi lagu tuhmay kooxo xiriir la leh Alshabaab.
Ciidamada amniga ayaa muddooyinkii danbe howlgallo habeennadii dhaca ku qaada xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood, iyadoo intooda badan lagu qabqabto dhalinyarrada xaafadahaasi degan.
Hay’adaha Amniga ayaan wax war ah kasoo saarin howlgalka xalay ka dhacay Muqdisho oo saameyn ku yeeshay dadka degan degmada Boondheere.