Friday, June 27, 2025

Ciidamada Galmudug oo qabtay hub u socday kooxda Ahlu suna

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsugidda ee ka howlgala Galmudugay qabteen Hub ku socday Kooxda Ahlu suna ee Gobollada Dhexe.

Hubkan ayaa lagu qabtay  degaanka Duumoodle ee Gobolka Galgaduud, wuxuuna ku socday Xeraale, iyadoo hubkaasina uu ku socday Maamulka Ahlu Sunna ee Gobollada Dhexe.

Saanada hubka ee la qabtay ayaa u badnaa rasaas, waxaana raggii siday iyo hubkaasi la geeyay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaan weli wax faahfaahin ah ka bixin hubkaasi ay qabteen ciidamada Amniga, sidoo kalena kooxda Ahlu suna ayaan dhinaceeda wax war ah kasoo saarin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON