Maamulka Galmudug ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan Alshabab ay ku dileen dagaalkii ay dhowaan la galeen Al-shabaab degaanada Bariga Mudug.
Saraalka oo magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey ayaa lagu dilay dagaalkii ka dhacay tuulada Jirey ee Bariga Gobolka Mudug sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Galmudug.
Sidoo kale saraakisha Galmudug ayaa maanta soo bandhigtay 16 Maxaabiis Al-shabaab ah oo lagu qabtay dagaalkii ay la galeen Shabaab.
14 ka mida Maxaabiista ayaa lagu soo bandhigay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halka 2 kale lagu soo bandhigay Aaga uu Dagaalku ka dhacay.
Goobjooge.com