Keydkii ugu weynaa ee qaraxyada Alshabaab ayaa lagu qabtay duleedka magaalada Dagaari ee Galmudug, sida uu shaaciyey Booliska Galmudug ee magaalada Gaalkacyo.
Keydkii Qaraxyada Al Shabaab ee gobolkaas ayaa lagu lagu kashifay howlgal ay qaadeen ciidamada Booliska. Taliyaha Saldhiga Gaalkacyo Dhamme Cali Xirsi Sahal ayaa sheegay in Howlgalka ay Ciidanku ku soo qabteen 50 Miino oo lagu kaydinayay duleedka Koonfurta magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan degaanka Dagaari.
Waxaa uu sheegay in xog muhiim ah oo ay ka heleen dadweynaha ay sababtay in la soo qabto miinooyin fara badan iyo qalabka laga sameeyo intaba oo ay Alshabaab keydsadeen.
Miinooyinka, Qaraxyada, Agabyada loo adeegsado Qaraxyada ee Budada ah iyo Dadkii waday ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana socda baaritaan arrintan ku saabsan oo lagu xaqiinayo dadka ku lugta leh.
