Ciidamda Haramcad ee Booliska Soomaaliya ayaa jirdil, ciqaab iyo xarig isugu daray weriyeyaal ka howlgala Muqdisho oo Saldhigga degmada Kaxda u tegay shaqadooda saxafinimo.
Saxafiyiinta ay ciidanka Haramacad tacdiyada iyo xariga kula kaceen ayaa ah afar suxufi oo ka kala tirsan telefishannada Somali Cable TV iyo Five Somali TV, waxayna magacyadooda kala yihiin:
1-Ismaaciil Maxamed Muuse (Somali Cable TV)
2- Maxamed Xasan (Somali Cable TV)
3- Aweys Maxamuud Jilacow (Five Somali TV)
4- Maxamed Baarri (Five Somali TV)
Xilliga dhibaatada ku dhacday ayey ku guda jireen tebinta warka weerarkii xalay ka dhacay degmada saldhgga Booliska degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
“Agaasimaha Five TV ee Muqdisho Aweys Mohamud Jilaow iyo cameramanka Five TV ayaa waxaa jirdil xooggan u geystay Ciidamada Haramcad, xilli maanta uu howl shaqo ay u tageen saldhigga Degmada Kaxda. Ciidamada ayaana illaa iyo hadda haysta Agaasimaha. Sidoo kale waxaa wehlinayay wariyaal ka socda xarumaha warbaahinta ee Somali Cable iyo Dalsan TV” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay FIVE TV.
Qoraal kale oo kasoo baxay Somali Cable TV ayaa u qornaa: “Labo Saxafi oo ka tirsan Telefeshinka Somali Cable oo kala ah Cameraman Ismaaciil Maxamed Muuse (Allright) iyo Weriye Maxamed Yuusuf Xasan ayaa jirdil xoogan waxaa u geystay Ciidamada Haramcad xili maanta howl shaqo ay utageen Saldhiga Degmada Kaxda. Ciidamada ayaana ilaa iyo hada haysta labadaasi Saxafi ee ka tirsan Somali Cable”
Ciidamda Haramcad ayaa ka mida kuwa uu asluubta darran ee dowladda, iyadoo inta badan aan lagu arag iyadoo la dagaalamaya Alshabaab, balse loo adeegsado shacabka iyo arrimo garaa.



