Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada ilaalada xarunta G/Banaadir oo toogasho ku dilay Wiil yar & faahfaahinta laga helay…

Wararka lag helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegayai n Ciidamo ka tirsan ilaalada Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ay toogasho ku dileen wiil yar.

Dilka wiilkan yar oo la sheegay inuusan qaangaar ahayn oo da’diisa lagu qiyaasay 10-12 sano jir ayaa yimid kadib mrkii la sheegay inuu Mobile telefoon Mobile ah xaday, waxaana rasaas ku furay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, taasoo keentay inuu goobtii ku geeriyoodo.

Falkan ayaa dhaliyay jaha-wareer iyo buuq ka dhashay xarunta maamulka G/Banaadir, iyadoo askarigii falkaasi geystay iyo askartii la joogtay ay adeegsadeen awood ka baxsan falka uu wiilka yari geystay, waxaana arrinta ku dhex jira maamulka G/banaadir.

Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan u dila shacabka Muqdisho, waxaana ugu wacan iyagoo aan lahayn tababar iyo asluub dad la-dhaqan, waxaana yar askarta cadaallada la hor keeno.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON