Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan garabkooda Internet-ka ayaa qaaday weerarkoodii ugu horeeyay ooa y ku jabsadeen website ay leedahay dowladda Mareykanka, kadib dilkii Mareykanka u geystay Jeneraal Qaasim Suleymaani oo ahaa taliyaha ciidamada Qudus ee dalka Iiraan.
Website-ka ay leedahay dowladda Mareyanka ee Federal Depository Library Program ayaa waxaa muddo la wareegay koox Jabsadayaal reer Iiraan ah oo bogga hore ee website-kas oo dhigay muuqaalka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo feer wejiga looga dhufanayo, iyadoo afkiisina uu dhiig leeyahay, waxaana ku qornaa farriimo ku saabsan in loo aargudi doono Gen. Qasim Suleymani.

Farriimaha muuqaalkaasi ku qornaa ayaa waxaa ka mid ahaa in farriinta ay ka timid dowladda islaamiga ah ee Iiran, waxaa kaloo ka muuqday gantaallo, calanka Iiraan iyo hajnabaad ku socota Mareykanka.
Inkastoo markii danbe website-ka dib loo habeeyay, haddana waxaa falkaasi lagu tilmaamay weerarkii ugu horeeyey iyo dagaal dhinaca internetka ah( Cyber attack) oo ka yimaada Iiraan iyo kooxo taacabsan.


