Monday, June 23, 2025

Ciidamada Itoobiya ee jooga Tigray oo Rasaas ku furay Shaqaalaha Q/Midoobay & Kumanaan Askari oo Eritrean…

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Tigray ayaa rasaas ku furay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, sida uu shegay Afhayeenka dowladda Itoobiya Ridwan Xusen.

Afhayeenka Dowlada ayaa ku dooday in shaqaalaha Qaramada Midoobay ay jireen laba jid-gooyo oo ciidamada Itoobiya fadhiyaan, iyadoo lagu rasaaseeyay isbaaradii saddexaad, iyagoo jebiyey tilmaamaha la siiyay oo ahaa inaysan gelin goobtaas.

Shaqaalaha Q/Midoobay ee la rasaaseeyay ayaa ku socday inay booqdaan xero barakac oo ay ku jiraan qaxooti Eriteriyaan ah ka hor inta aan la rasaaseyn. Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa la sheegay in la xiray.

Ilo diblomaasi ayaa Wakaalada wararka ee Rueters u sheegay in goobta ay shaqaalaha Q/Midoobyu doonayeen inay booqdaan ay ku sugnaayeen askar Eritrean ah oo dowladda Itoobiya ay qarineyso, kuwaasoo qeyb ka ahaa dagaalka Gobolka Tigray.

Ad

Gobolka Tigray waxaa ka jira Xaalad bini’aadanimo oo baahsan sida ay horey u sheegeen Hay’addaha gargaarka waxaana aad ugu yar Cunada iyo dawada waxaana Gobolkaas uu hoy u yahay in ka badan 8 Milyan oo ruux kuwaas oo wajahaya xaalad dhinaca biniaadanimada ah.

Dowlada Itoobiya ayaa waxaa ay dagaalka Gobolka Tigray ee ay biloowday 4 Bishii November ilaa hada waxaa uu yahay mid ka socda Gobolkaas inkasta oo uu ra’iisul wasaaruhu sheegay in la soo afjaray.

Dhinaca kale Saraakiisha iyo Diblomaasiyiinta Mareykanka ayaa xaqijiyey in kumanaan akari oo Eritrean ah ay xadka ka gudbeen, kana qeyb galeen dagaalka Gobolka Tigray, arrintan oo ay si joogto ah u beeniyaan Itoobiya iyo Eritrea.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON