Wednesday, July 2, 2025

Ciidamada Itoobiya oo bilaabay inay ka baxaan Gobolka Bakool & Alshabaab oo laba kacleyn ku jirta

Wararka la helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay bilaabeen inay ka baxaan saldhigyada ay ku leeyihiin gobolka Bakool.

Degmada Tiyeglow ayaa noqoneysa degmadii ugu horeysay ee Itoobiyaanka ay ka baxaan, kadib markii ay u sheegeen maamulka degmada inay ka bixi doonaan degmada. Mas’uuliyiinta maamulka Tiyeeglow ayaa xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Tiyeeglow muddo 24 saacadood gudahooda h.

Taliyaha Booliska Tiyeglow Cabdi Ibraahim Taakow ayaa welwel ka muujiyay bixitaanka ciidamada Itoobiya, wuxuuna intaasi ku daray  in hadii ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya ay iska difaaci doonaan  weerarada Al-Shabaab.

Maleeshiyo fara badan oo boqolaal ah ayaa la sheegay inay durba dul hoganayaan Tiyeglow iyagoo isu diyaarinaya inay la wareegaan, waxaana laga cabsi qabaa in Alshabaab dib u qabsato.

Ciidamada Itoobiya ee ka baxaya saldhigyadooda ayaa salka ku heysa kacdoon ka socda dalka Itoobiya iyo xaalad degdeg ah oo dalkaasi lagu soo rogay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON