Friday, April 19, 2024

Ciidamada Itoobiya oo Dad Shacab ah ku laayey Xuduudka Dalalka Itoobiya iyo Kenya

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay dad shacab ah ku laayeen magalada  Mooyaale ee u dhaxeysa xuduudka Itoobiya, Kenya.

Wararak ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Itoobiya dileen ilaa 9 qof oo la sheegay inay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF iyo mucaaradka Oromada ku kacsan dowladda Itoobiya.

Dhacdadaasi ayaa la sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku dhaawaceen 12 qof oo kale. Taliyaha Militariga Itoobiya ee Ciidankaas haysta ayaa sheegay in ay iyagu heleen xog la xiriirta in Ururka OLF ay weerar ka dhan ah ka fulinayaan degaankaasi, ayna fuliyeen howlgalka dadka badan lagu dilay xogta la siiyayna ay ahayd mid khaldan.

Ad

Taliyaha Milatariga Itoobiya ee Ciidankaas heysta ayaa sheegay in ay iyagu heleen xog la xiriirta in Ururka OLF ay weerar iyaga ka dhan ah ka fulinayaan halkaas sidaasna ku qaadeen howlgalka ay ku dhinteen dadka rayidka ah.

Aschalew Yohannes, oo ah Guddoomiyaha Mooyaale ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira arrintan sida ay ku dhacday islamarkaana ay hay’adaha amaanka kala xisaabtamayaan leynta dadka rayidka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON