Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in howgal ay qaadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ay dib u qabsadeen Tuulada Halgan oo u dhaxeeya magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburte.
Howlgalka oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda oo garab ka helay kuwa Itoobiyaanka ayaa saaka ay dib u qabsadeen degaanka Halgan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada kooxda Alshabaab.
Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu socdaalkiisii ugu horeeyay ugu dhoofay dalka Itoobiya, waxaana hore ciidamada Itoobiya ay u wadeen dhaqdhaqaaqyo ay uga baxayaan magaalooyinka qaarkood.
Guddoomiyaha degaankaasi ayaa sheegay inuusan wax dagaal ah ka dhicin Halgan, isla markaan ay Alshabaab isaga baxeen Isniintii lasoo dhaafay, wuxuuna intaas raaciyay in dadka u baahan yihiin gargaar degdeg ah.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa muddo hadda laga joogo 7 bilood ku dhowaad si lama filaan ah uga baxay degaanka Halgan oo ay maanta ku laabteen, waxayna arrintan caddeyn u tahay siyaasadda Itoobiya iyo joogitaankeeda Soomaaliya inuu yahay mid siyaasadeysan.
Goobjooge.com
Ciidamada Itoobiya si lama filaan ah uga baxay degaanka Halgan & Alshabaab oo la wareegtay