Friday, June 27, 2025

Ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo lagu soo dhoweeyay Dhuusamareeb & Ciidamo Itoobiyaan ah oo kusii jeeda [Sawirro]

Ciidamada AMISOM oo ka socda dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, iyadoo qeyb ka ah ciidamada sugaya amniga Magaaladaasi.

Ciidamadan oo dhinaca dhulka sii maray, iyagoo ka tegay Gobolka Hiiran, waxaana magaalada kusoo dhoweeyay saraakiisha ciidamada dowladda, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, waana cutubkii ugu horeeyay, iyadoo ay ciidamo kale ku sii jeedaan magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadan ayaa la dejinayaa xarumo ay ka mid yihiin Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb, Xarunta Madaxtooyada iyo Goobta uu ka dhacayo shirka dib u heshiisiinta. waxayna la howlgeli doonaan ciidamadii ay dowladda Somalia halkaasi geysay.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM ayaa lagu wadaa inay tagaan magaalada Dhuusamareeb, sida qorshuhu yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON