Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay degaan u dhow magaalada Kismaayo & Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay saaka dagaal la’aan la wareegeen degaanka Jannaay Cabdalla oo 60 KM.

Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa sheegay in degaanka Jannaay Cabdalla oo ahayd Bar ay maamulaan Alshabaab ay isaga baxeen, kadibna ay la wareegeen ciidamada Jubbaland, iyadoo aanu wax iska hor imaad ahi ka dhicin.

Degaanka Jannaay Cabdalle ayaa ah goob muhiim u ah Maleeshiyada Alshabaab ee isaga gooshta deegaanada koonfurta iyo waqooyiga Jubbooyinka, waxayna sidoo kale ahayd Koortool ay lacag ugu uga qaadaan gaadiidka isaga socda Jubbada Hoose.

Wararkii ugu danbeeyay ee degaankaasi ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay dhaqdhaqaaq ka wadaan degaanada ku hareereysan Jannaay Cabdalle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON