Thursday, April 18, 2024

Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo dib u qabsaday Degaanka Kulbiyow

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee AMISOM iyo kuwa gurmad ah oo ay wehliyeen ciidamada maamulka Jubaland ay dib u qabsadeen degaanka Kulbiyow.

Ciidamadan ayaa ku laabtay Kulbiyow markii ay isaga baxeen maleeshiyadii Alshabab ee saaka weerarka ku qaaday xerada ciidamada Kenya ku lahaayeen halkaasi.

Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe Faarax Heybe ayaa sheegay xaqiijiyay in ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubba ay dib ugu laabteen Kulbiyow.

Ad

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalkii cuslaa ee halkaasi ka dhacay, Alshabaab ayaa sheegatay inay dishay 57 askari oo Kenyaan ah, halka Milateriga Kenya uu sheegay inuu waabiyay weerarkii Alshabaab oo ay qasaare ba’an gaarsiiyeen.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in ciidamo Kenyaan ah ay ku dhinteen dagaalka, halka qaar badan oo ka mida ay u baxsadeen gudaha Kenya iyagoo ka war hayay inuu weerar ku soo fool leeyahay.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON