Ciidamo ka tirsan Milateriga Kenya ayaa xalay gubay xarun ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay tuulada Khadiijo-Xaaji oo udhexeysa magaalooyinka Beled Xaawo & Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Wararka laga helayo Deegaankaasi ayaa sheegaya in Kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya ay xalay abbaaro 5-tii Saac gudaha u galeen tuuladaas iyagoo dab qabadsiiyey Xarunta Shirkadda oo ehayd isgaarsiinta kaliya ee laga isticmaalo deegaankaasi.
Shaqaalihii ka shaqeynayey Xarunta ayaa la sheegay in ay ka carareen xarunta kahor inta aan la gubin. Waxaana halkaasi ku basbeelay guud ahaan Dhismihii & qalabkii yaallay xaruntaas.
Lama oga sababta ka danbeysa in Ciidanka Kenya ay gubaan Xarunta Shirkaddan oo ah mid si gaar ah loo leeyahay.
Ciidamada Kenya ayaan weli wax war ah kasoo saarin dhacdadaan cusub oo ay ku beegasadeen xarun ganacsi, iyadoo hore Alshabaab ay gudaha Kenya ugu beegsatay xarumaha isgaarsiinta shirkadda Safari.
Shirkadda Hormuud ayaa xaqiijisay falkan, inkastoo aanay wax war ah kasoo saarin. Maamulka Jubbaland & Dowladda Soomaaliya ayaan iyaguna ka hadlin falka cusub ee Ciidamada Kenya ku dhaqaaqeen.