Wednesday, July 9, 2025

Ciidamada Kenya oo xabsi dhigay Aqoonyahanka Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid..

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay xalay gurigiisa ka qabteen Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka mida Aqoonyahannada Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay xalay saqdii Dhexe qabteen Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid, iyagoo ku amray inuu raaco, kadibna ay xabsiga dhigeen iyagoo aan sheegin sababta ay u heysateen, sida ay sheegeen Qoyskiisa, lamana oga halka ay ciidamada u kaxeysteen.

Dr. ibrahim Faarax Bursaliid ayaa ahaa Barre Jaamacadeed iyo Aqoonyahan ka faallooda arrimaha siyaasadda, mana jiraan wax war ah oo xarigiisa ay ka soo saareen Booliska Kenya.

Dowladda Kenya ayaa wada olole ka dhan ah shaqsiyaad ka mida dowladda Somalia iyo dadka qaraabada la ah madaxweyne Farmnaajo, inkastoo aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo kiiska xarigha Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo wararka qaar ay sheegayaan inuu la shaqeyo safaarado shisheeye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON