Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka mamnuucday in Garoonka diyaaradaha Muqdisho loo adeegsado goob lagu ururiyo Qashinka ama lagu shubo, taasoo sabab looga dhigay walaac laga qabo caafimaadka iyo badbaadda.
Qoraal kasoo baxay Ra”iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Somalia Mahdi Maxamed Guuled oo ku socday Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista ayaa lagu caddeeyay in la mamnuucay Qashinka lagu shubo Garoonka Aadan Cade iyo maareyn kasta oo ku saabsan Qashinka gudaha Garoomka.
Qoraalka oo sidoo kale la ogeysiiyay Wasaarada Arrimaha dibadda Somalia ayaa ka dambeeyay qoraal uu hore u soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo AMISOM iyo hay’adaha degan Garoonka Muqdisho ku eedeeyay inay qashin qub ka dhigeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.
AKHRISO QORAALKA
