Ciidamada kumaandooska Soomaalida iyo kuwa Mareykanka ee gaarka ah ayaa dhoolatus milateri ka sameeyay saaka xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Dhoolatuskan ayaa lagu tilmaamay inuu qeyb ka tahay tababar ay wadajir u sameynayaan labada ciidan iyo ciyaarsiis milateri oo loogu talogalay in lagu kordhiyo xirfadda ciidamada kumaandooska Soomaaliya.
Qaraxyo waaweyn ayaa saaka laga maqlay xerada xalane iyo agagaarkeeda iyadoo markii danbe la sheegay inuu qeyb ka ahaa leysliska milateri ee ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa Mareykanka ay wadajir u sameynayaan.
Ciidamada NISA ee Mareykanku tababarro ayaa hore dabrid uga sameeyay duleedka Garoonka Muqdisho oo ay xarumo ku leeyihiin, iyadoo mararka qaarkood dadka Muqdisho u qaateen dagaal iyo qaraxyo weerar ah.
Goobjooge