Monday, August 25, 2025

Ciidamada Kumaandooska Milateriga oo Alshabaab kala wareegay Degaan ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelaha dhexe ayaa soo sheegaya in ciidamada Kumaandooska milateriga Soomaaliya ay saaka la wareegeen degaan ka tirsan Gobolka Sh/dhexe ee maamulka Hirshabeelle.

Ciidamda ayaa la sheegay inay saaka Alshabaab kala wareegeen degaanka Gamboole ee duleedka magaalada Jowhar, kadib markii weerar qorsheysan ay ciidamadu ku qaadeen koox Alshabaab ka tirsan oo halkaasi gacanta ku heysay.

Ciidamada DANAB aya dhowaan saldhig ka sameystay Shabeelaha Dhexe ayaa howlgalkan  fuliyey, waxayna dadka degaanka sheegeen inay Saaka maqleen daryanka hubka kala duwan, lamana sheegin qasaaraha halkaasi ka dhacay.

Weerarka ayaa lagu soo beegay xilli ay degaanka Gamboole ay kooxda Alshabaab kula balansanaayeen Ganacsatada magaalada Jowhar oo ay doonayeen ALShabaab inay ku soo rogaan canshuur.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON