Monday, June 23, 2025

Ciidamada Kumaandooska oo Horjoogayaal ka tirsan Alshabab & Maleeshiyo badan ku dilay Sh/Hoose

Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay kumaandooska xoogga dalka ku qaadeen tuulooyin ka tirsan degaanka Jannaale ee Gobolka Sh/Hoose lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Alshabaab.

Tuullooyinka Buulo Urunji, Malable, Tawakal ee degaanka Janaale ayuu howlgalka ka dhacay, waxaana taliska Milateriga uu sheegay inay ku dileen 18 horjooge iyo maleeshiyaad katirsan Al-shabaab, sida uu idaacada ciidamada u sheegay taliyaha Ciidanka Dhulka Jen. C/xamiid Maxamed Dirir.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu kadib markii dadka degaanka ay kusoo wargaliyeen ciidamada maleeshiyaad Alshabaab ee degaankaasi ku sugnaa, iyadoo ay howlgalka iska kaasahdaan kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor iyo Danab.

Jeneraal C/xamiid ayaa laga so xiftay in horjoogayaasha laga dilay Alshbaab ay gaarayaan sadax ioo uu ka mid yahay Muxudiin Shiikh Cabdi (Al-anzaari) oo Alshabaab u qaabilsanaa degaanada Janaale ilaa Aawdheegle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON