Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Kumaandooska Somalia ee Danab oo la wareegay Xerada Jen. Gordon ee Magaalada Muqdisho

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa la wareegay xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Soomaaliya, kadib shaqaaqo ka dhacday shalay.

Ciidamada Danab oo laga keenay xeradooda Balidoogle ayaa maanta lagu wareejiyay xerada oo ay ku jiraan ciidamadii ay Imaaraadka tababarreen iyadoo qaar kalena ay ka baxsadeen xerada intii uu socday dagaalkii dhex maray ciidamadaasi iyo kuwa milateriga ee madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegay in xalay ay magaalada soo galeen  ciidamada Danab ee la wareegay Xerada ciidanka Imaaraadka ee Jen. Gordon oo ku taalla degmada Hodan, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay arkeen gaadiidka gaashaaman oo ay wataan ciidamadan.

Ciidamadii Imaaraadka ee xeradan ku sugnaa, ayaa noqday kuwa la xiray iyo kuwa kala cararay, kadib dagaalkii shalay ka dhacay Xeradaasi, halka qaar kale ay ku hareen xerada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON