Monday, June 23, 2025

Ciidamada Kumaandooska Somalia oo Degaano ka tirsan Sh/Hoose kala wareegay Alshabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay degaano cusub kala wareegeen dhaqdhaqaaqa Alsahbaab, kadib howgallo ay ka bilaabeen Gobolka Sh/Hoose.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgallo Ciidanka Xoogga Dalka qaadeen ay kula wareegeen Deegaanka Beladul Amiin iyo Tuulooyin ka xiriira.

Wuxuu sheegay in inay saaka la wareegeen degaanka Baladul Amiin, iyadoo shalayna ay Alshabaab ka saareen degaanka Cumar Beerre oo saldhig u ahayd iyo Sabiib iyo Caanoole oo shalay galab ay qabsadeen, iyadoo Alshabaab ay ka baxeen degaanadaasi.

Lama helin warar madax bannaan oo arrintan ku saabsan, iyadoo dhinaca kale Alshabaab aysan wax hadal ah ka soo saarin guulaha ay ciidamada dowladda sheeganayaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON