Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Kumaandooska Somaliya iyo Mareykanka oo weerar ku qaaday Saldhig Alshabaab

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo gaara oo ka kooban Mareykan iyo Soomaali ay weerar kedis ah ku qaadeen xarun kooxda Alshabaab ku leedahay degaanka Kuunya-barrow ee Sh/hoose.

Weerarkan oo ka mida weerarro ay iska kaashadaan labada ciidan ee kumaandooska ah ayaa la sheegay in lala beegsaday saldhig ay Alshabaab ku lahayd meel u dhow degaanka Kuunyo Barow.

Weerarka ayaa ku biloway duqeyn dhinaca cirka ah, iyadoo kadibna ciidamo diyaaro helikobtaro ah ku degay ay weerareen xaruntaasi, waxaana la sheegay inay la burburiyay saldhigii Alshabaab.

Ciidamada Danab ee kumaanadooska Soomaaliya oo ay tababarreen Mareykanka ayaa si wadajir ah ah ula howlgala ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya jooga.

Lama shaacin qasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana dadka degaanka ay soo weriyeen in dagaalyahanno dhowr ah uga dhinteen kooxda Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON