Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Maamulka Jubbaland oo weerar ku qaaday Hotel ku yaalla Magaalada Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubba ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ay weerar ku qaadeen mid ka mida Hoteelada waaweyn ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada Jubbalan ayaa weerarray Hotel Maka, iyagoo ka qaatay qalab iyo agab kala duwan, waxayna dadkii hotelka ku jiray amar ku siiyeen inay isaga baxaan hotelka oo albaabada la isugu laabay, iyadoo aan faahfaahin laga bixin sababta loo weeraray hotelka.

Hotelka aya waxaa degayaa siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba iyo dadweyne kale, waxaana milkiilaha hotelka Axmed Faarax uu saxaafadda u sheegay inuusan ka war heynin sababta loo weeraray ee loo xiray hotekiiisa.

Dad dhowr ah oo laga qabtay horelka waxaa ka mid ahayd xaaska milkiilaha hotelka oo markii danbe la sii daayay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON